Nin loo toogey inuu qayb ka ahaa qaraxii ka dhacey Isgoyska Zoobe

Image
MUQDISHO- Maxkamadda ciidanka Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah waxay xukun dil toogasho ah ay ku fulisay Xasan Aadan Isaaq, kaasi oo lagu soo eedeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii Zoobe.
 
Isaaq ayey xeer-illaalintu kusoo oogtay sidoo kale in lagu qabtay Gaari nooca raaxadda ah oo ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Zoobe, daqiiqado kadib musiibaddii dadka badan galaafatay.
 
Toogashada Isaaq oo ka dhacday barxadda Iskool-buulisiyo ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda Milatariga Soomaaliya.
 
Fulinta xukunkaan dilka ah oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay fuliso dowladda Farmaajo tan iyo markii la doortay 8-dii Fabraayo ee sanadkii hore ayaa imaaneysa xili maanta la xusayo masiibadii ka Dhaka they ismiidaamintii Zoobe.
 
Weerarkaan oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa inta la hubiyey waxaa lagu dilay in ka badan 500 qof, halka ay ku dhaawacmeen 1,000 xili Boqolaal la la'yahay.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM