Nin loo toogey inuu qayb ka ahaa qaraxii ka dhacey Isgoyska Zoobe

Image
MUQDISHO- Maxkamadda ciidanka Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa saaka oo Axad ah waxay xukun dil toogasho ah ay ku fulisay Xasan Aadan Isaaq, kaasi oo lagu soo eedeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii Zoobe.
 
Isaaq ayey xeer-illaalintu kusoo oogtay sidoo kale in lagu qabtay Gaari nooca raaxadda ah oo ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Zoobe, daqiiqado kadib musiibaddii dadka badan galaafatay.
 
Toogashada Isaaq oo ka dhacday barxadda Iskool-buulisiyo ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda Milatariga Soomaaliya.
 
Fulinta xukunkaan dilka ah oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay fuliso dowladda Farmaajo tan iyo markii la doortay 8-dii Fabraayo ee sanadkii hore ayaa imaaneysa xili maanta la xusayo masiibadii ka Dhaka they ismiidaamintii Zoobe.
 
Weerarkaan oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa inta la hubiyey waxaa lagu dilay in ka badan 500 qof, halka ay ku dhaawacmeen 1,000 xili Boqolaal la la'yahay.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM