Nin looga shakisan yahay kiiskii dilka & kufsiga Xamdi oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in degaanada Galmudug lagu qabtey wiil dhalinyaro ah oo la tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsigii iyo dilkii arxan darrada ahaa ee Jimcihii lasoo dhaafay Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax, oo 19 jir ahayd.

"Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib," ayay tiri Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka Booliska.

Maalintii shalay, booliska ayaa shaaciyay in meel wanaagsan uu u marayo baaritaanka kiiskan, islamarkaana ay gacanta ku hayaan 11 qof, sidoo kalena ay ku raadjoogaan kuwa kale oo isku dayaya inay cadaaladda ka baxsadaan.

Xamdi oo sanadkan gashay Imtixaanka shaahida dugsiga sare ee dowladda, ayaa laga soo tuurey dhismo dabaq ah oo lix biyaano ka koobaan, kaasoo boolisku ay sheegeen inuu yahay hotel lagu magacaabo Marwo oo degmada Waaberi ku yaalla.

Falkan ayaa dhacay habeenkii Jimcaha, waxaana meydka gabadha la helay subixii Sabtida, iyadoo la dhigay Isbitaalka Madiina, oo markii uu baaray xaqiijiyay in gabadha la kufsaday kadibna dhismaha laga soo tuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM