Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugidda Shabeellaha Dhexe oo la toogtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ninkii ka dambeeyay dil sannadkii hore bartamihiisii loo gaystay taliyihii Nabad Suggidda Somalia ee gobolka Shabeellaha dhexe Cabdiwali Ibraahim Maxamed.

Ninka Qisaasta lagu fuliyay oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Maxamuud, ayaa kamid ahaa ilaalada Taliyaha kahor intuusan si bareer ah u dilin.

Laamaha ammaanka ayaa isla waqtiga uu dilka gaystay kadib gacanta kusoo dhigay iyagoo markaas kusoo bandhigay Qabuurihii lagu aasayay Taliyahaas.

Yuusuf ayaa waqtigaas wixii ka dambeeyay loo wareejiyay magaalada Muqdishu, waxaana Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia ku riday xukun toogasho ah.

Fagaaraha weyn ee Iskool buluusiya ayay Toogashada ka dhacday, waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sareysa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada ammaanka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkaas lagu helay dabi dil qof kale, sidaas awgeed ciqaabtiisu tahay in la toogto.

Muddooyinkan dambe Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Somalia ayaa siyaasiday qisaasta lagu fulinayo xubnaha katirsan Al Shabaab iyo dadka dilalka gaysta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM