NISA oo hakisay qandaraas uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'add Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA]ayaa ku dhawaaqday inay hakisay qandaraas uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaqa Cumar Maxamed, oo haddana ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka.

War lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in taliska Hay’adda uu hakad geliyay qandaraas socday sanadihii lasoo dhaafay oo ku kacayay malaayiin doolar oo uu Cabdirisaaq la galay shirkad ganacsi oo ka howlgasha Muqdisho.

Heshiiskan oo sida uu Warsidaha Garowe Online fahamsan yahay, ayaa la saxiixay 2015, iyadoo Shirkadda u qabaneysay adeegyo dhanka Loojistikadda, taasoo aan magaceeda iyo cid iska leh aysan shaacin Hay'adda NISA.

Qoraalka NISA kasoo baxay shalay, 30-dii November ayaa lagu iclaamiyay in kiiskan oo malaayiin dollar ku baxaya loo gudbiyay Hanti-Dhowrka Guud ee qaranka, si baariitaan loogu sameeyo inuu jiro musuq-maasuq.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si kulul uga jawaabey eedeynta NISA, isagoo ku tilmaamay warka hay'addan dacaayad raqiis ah, waxaana uu weerar afka ah ku qaadey hogaanka hay'addan sirdoonka.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in shaqsiyaad aas-aaska Amniyaatka Al-Shabaab kasoo qeyb qaatey, oo dhaqaale ku bixiyay ay maanta ku jiraan NISA, iyagoo lagu aaminay inay la dagaalamaan argagaxisadda.

Cabdirisaq ayaa xusay in Hay'addan Sirdoonka Soomaaliya ay si xoog leh usoo galeen xubno ka yimid Al-Shabaab, kuwaasoo hadda labada dhinac la shaqeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM