NISA oo Khabiir Qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaab Muqdisho ku qabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee [NISA], ayaa sheegtay inay qabatey hogaamiye Al Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, kadib howlgal ay ka fulisay Muqdisho.

"Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, ayaa lagu soo qabtay xubin AS oo ahaa Khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka Saptember," ayaa lagu yiri qoraalka NISA soo dhigtay Twitter-ka.

NISA wali ma aysan shaacin magaca ninka ay sheegtay inay soo qabatey, waxaana warkan uu qeyb ka yahay qoraallo mudooyinkii dambe hay'addan soo dhigeysay Twitter-ka, oo ay ku baahinaysay macluumaad ku saabsan xubno Al Shabaab oo ay qabatey.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasin u magacaabey taliye ku xigeenka NISA bishii August, hay'addan Sirdoonka qaabilsan ayaa waxay madaxa la gashay khilaafaad hogaankeeda sare u dhaxeeya, iyadoo xubno badan shaqada laga eryay.

In ka badan 200 oo kamid ahaa Askarta NISA ayaa la ruqseeyay bishan, kuwaasoo hadda soo wajahday khatar amni maadaama halkii gabaadka u ahayd laga soo saarey, iyagoo halis ugu jira inay Al Shabaab ku beegsato Muqdisho.

Fahad oo la sheegay inuu xiriir dhaw la leeyahay Sirdoonka Qadar, ayaa lagu eedeeyay inuu wato qorshe uu la damacsan yahay NISA, iyadoo dhawaan boqolaal Askari, hub iyo gaadiid dagaal oo hay'addu lahayd uu ku wareejiyay Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM