NISA oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku hayso shaqada Taliska Milatariga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay taliska nabad-sugida Soomaaliya in uu faragelin ku hayo Taliska Ciidanka Milatariga ee difaaca qaranka.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa tilmaamay in talaabooyinkii hore ee Taliska Ciidanka Xooga ka dhex-dhacay ay u adeegayeen dano siyaasadeed oo shakhsi ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalkiisa, talaabooyinkaas la qaadey dhowaan ayaa isugu jiray xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad.

"Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD). Waxaa xog ku haynaa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed," ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh".

Warsame ayaa rumeysan "Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed".

"Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda," ayuu kusoo xiray.

Nabad-sugida Soomaaliya waxaa madax u ah Fahad Yaasiin Daahir, gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Farmaajo ahna shaqsiga ugu awooda badan isla markaana gaara go'aanada ugu dambeeya.

Faragelinta ayaa kusoo hagaageysa xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana aysan kala caddeyn qaabka lagu galayo coddeynta soo aadan, inkasta oo wadahadalo looga tashanayo ay ka furmayaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM