NISA oo lagu eedeeyay in ay weerartay garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta weerartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka dhigay in gacan qaadka maanta uu ka dhashay ka gedaal markii la diidey in ay gudaha dalka soo galaan ajaaniib u socotay hay'adda mukhaabaraadka.

Eedeynta Warsame oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa kusoo hagaageysa xilli maanta ay gudaha garoonka shaqaaqo ku dhexmartay ciidamo ka tirsan booliska iyo nabad-sugida.

"Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa maanta dharcad hubeysan oo ka tirsan nabadsugidda waxey qabsadeen qeybta soo degista (Arrival) ee waaxda socdaalka (Immigration)," ayuu Facebook ku qoray.

Wuxuu ku daray: "Waxey bistoolado ku garaceen shaqaalihii, waxey jejebiyeen qalabkii lagu shaqeynayey, waxey argagax ku rideen dadweynihii, Sababta ay sidaas u yeelayaana waa in la diiday rag ajnabi ah oo NISA u socday in ay gudaha dalka soo galaan".

"Bahdilaad iyo awood sheegasho ayey muujiyeen ciidanka NISA. Dhaqanka fowdada, isku itaal sheegashada ee hoggaamiye kooxeednimo ayaa maalamahan ku faafaya xarumaha Dowladda," ayuu xusay

Warsame ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Waxaan maqli jiray Quraankii alif ka halaaba Albaqra kama taasoo. Dawlad uusan hoggaankeedu sharci ahayn, hay’adaheedu sharci kuma shaqayn karaan Farmaajo iyo kooxdiisa waa in ay fahmaan waxa ay ka dhigan tahay sharciyaddu".

Dhanka kale, agaasimaha hay'ada socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, iyo saraakiil kale ayaa waxaa lagu waramay in ay gaareen madaarka waxyar kadib dhacdadii maanta.

Isku-dhaca maanta oo sababay burburka muyaarado qeybta VIP-ga ee garoonka diyaaradaha iyo hakad ku yimid shaqadii ka socotay madaarka ayaa waxaan wali fahfaahin rasmiya ka bixin dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM