Nin katirsan Jabhadda ONLF oo lagala baxay gacanta Galmudug

Image

CADAADO, Somalia - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Somalia, ee (NISA), ayaa lagu eedeeyay inay dhibaatooyin xooggan ka sameynayso deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Cilmi Nuur "Taardhuleed", ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay si qarsoodi ah xabsi ugala soo baxeen nin uu sheegay inuu katirsan yahay Ururka ONLF.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado, ayaa intaasi ku daray in NISA ay Ninkan kala soo baxeen si xoog ah gacanta Ciidamada Galmudug, kadibna ay usoo qaadeen magaalada Muqdishu.

Taardhuleed ayaa tibaaxey in Ninkan ay soo wateen NISA uu ku xirnaa xabsi ay Galmudug maamusho, islamarkaana ay Ciidamada amniga ku sameynayeen baaritaano, kadib markii howlgal ay kusoo qabteen.

Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Ninkan katirsan Jabhadda ONLF uu yahay Shaqsi si aad ah u doon-dooneyso dowladda Ethiopia, oo lacag badan la dul-dhigay Madaxiisa.

Wuxuu sidoo kale xusay in Ciidamada Nabad Suggida dowladda Federaalka Somalia ee ka howlgalla magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ay gaystaan dhibaatooyin kala duwan, iyo Tacadiyo joogto ah.

Wasiirka ayaa ku hanjabey in Galmudug ay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Dhexe, hadii aysan NISA joojin falalka gurracan ee ay kawadaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wararka laga helayo xubno ka tirsan sirdoonka Somaaliya ayaa sheegaya in sarkaal kan ka tirsanaa ONLF ay raadineysay Dowlada Ethiopia balse ciidamada Nabadsugida NISA kala soo baxsadeen Galmudug halkaas oo ay u arkeen ineysan ku difaaci karin.

Saraakiisha NISA wali kama aysan jawaabin eedaynta uga timid Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM