NISA oo qabatay "xubin sarre" oo ka tirsanaa warbaahinta AlShabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay shaacisay in ay magaaladda caasimada ah ku qabatay xubin sarre oo ka tirsan warbaahinta AlShabaab.

"NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

Bayaanka kooban oo lasoo dhigay barta gaarka ah oo hay'addu ku leedahay Twitter-ka ayaa waxaa nan lagu soo bandhigay magaca iyo qaabka loosoo xiray shaqsigan.

Isniintii, 27-ka August, NISA oo sheegtay in ay soo xirtay ruux ka qeyb-qaatay qarax lagu dilay mas'uul dowladeed oo Muqdisho ka dhacay ayaa soo raacisay muuqaal hoygiisa laga soo duubay.

Alle ha u naxariistee, marxuum Maxamed Aamiin, ayaa wuxuu ahaa Agaasime ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir mudadii uu xafiiska joogay gudoomiye Muun-gaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan sheegashada sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Al-Shabaab, oo Muqdisho laga saarey 2011-kii, ayaa leh qeyb saxaafadda u qaabilsan, taasi oo faafisa xogaha ururka, muuqaalo ay ka diyaariyaan dilalka ay geystaan iyo dukmiintiyo kale.

Xubnaha ka shaqeeya waaxdan ayaa la rumeysan yahay in ay joogan meelo kala duwan, iyadda oo ay noqoneyso markii ugu horeysay, inta la og-yahay, in ruux ka tirsan qeybtan uu u gacan-galo dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM