NISA oo shaacisay "in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil"

Image
Haweenaydan ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay mukhaabaraadka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey "in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil Faarax kadib markii ay u gacan-gashay".

Qoraal kasoo baxay NISA oo ciwaan looga dhigay "Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi" ayaa lagu sheegay "in ay ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah".

"Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen," ayaa lagu bilaabay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda".

"HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto," ayay xuseen.

"Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqa NISA ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore ay hooyada Ikraan ay ku hanjabtay in ay qadiyadeeda isku rogi doonto dagaal qabiil haddii cadaalad ay u heli wayday Inanteeda.

Ikraan ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay mukhaabaraadka Soomaaliya. Madaxa amniga internet-ka iyo madaxa xafiiska xuquuqul insaanka ayaa kamid ah jagooyinka shaac-baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM