NISA: Weerar la doonayay in laga fuliyo Muqdisho ayaan fashilinay

Image

MUBARAK - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay kahor tagtey weerar Al-Shabaab ku maleegaysay degaanka Mubaarak, ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay dooneysay inay ka fuliso Muqdisho.

Qoraal lasoo dhigay barta NISA ee Twitter-ka ku leedhay ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay habeenkii Isniinta, lagu dilay hal dagaalyahan oo kamid ahaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii ciidamadda dowladda ay duulaan qorsheysan ku ekeeyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leedahay degaanka, taasoo sababtay is-rasaasayn socotay muddo dhowr sacadood ah, sida ay tibaaxeen dadka degaanka.

Shacabka Mubaarak ayaa sheegay in ciidamadda weerarka soo qaaday ay wateen Gaadiid dagaal iyo diyaarado kuwa jooga hoose ku duula ah, ayna dagaalka kadib wateen tirro dad ah oo ay ka qabteen meesha ay weerarka ku qaadeen.

Dhinaca kale, xoogaga Al-Shabaab oo baraha ay wararkooda ku faafiyaan kaga hadlay weerarkaan ayaa qiray inuu jiro khasaaro dhinacooda soo gaarey, iyaga oo afka ku balaariyey inay jiraan Askar Mareykan ah oo ay dagaalka ku qabteen.

Al-Shabaab ayaa intaasi lagu dartay inay dhowaan soo bandhigi doonto Askar American ah oo ay sheegtay inay nolsha ku qabatay, inkasta oo aanan la hubin xaqiiqo ahaanshaha warkan.

Howlgalka ka dhacay tMubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa imaanaya xili maalmo kahor weerar kan lamid ah lagu ekeeyay Saldhigyo ay xoogaga Al-Shabaab ku leedahay degaanka Basra oo aad ugu dhow halka duulaanku cusub ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM