Nolol xumo ka jirta goobaha laga saarey Al-shabaab

Image

1 September, 2015(GO)-Cunta yari iyo dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegayaa goobihii laga saarey ururka  Al-shabaab ee Koonfurta Somalia.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu tilmaantay heerka nafaqo darida iyo cunto yarida Somalia ina korortey ku dhawaad labaatan boqolkiiba lixdii bilood ee ugu danbeeysay.

Xaalada ayaa ka sii dartay ka dib markii muddooyinkii dambe jireen dagaalo culus oo u dhaxeeya dowladda iyo Al-shabaab, waxaan dadka deeganada colaaduhu ka dhaceen oo la hadlay warbahinta sheegeen inay haysato xaalad aad u adag.

Ururka Al-shabaab ayaa gubay beero halka ay xabaaleen ceelal  ay ka cabi jireen shacabku, waxana falkani yimi ka dib markii laga saarey deeganadii horey uga arimin jireen.

Dhawaan madaxweynaha Somalia oo booqday degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa beesha caalamka ugu baaqey inay gar-gaar la soo gaaraan shacabka ku nool goobaha laga saarey Al-shabaab oo ay la soo daristay nolol xumo.

Arinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Koofurta Somalia qeybtiis ay ku yaraayeen roobabkii Guga' oo qeyb ka noqotey macaluusha baahsan ee soo foodsaartey qoysas badan oo Somali ah, ilaa  soddon boqolkiiba dadka ayaa u baahan gargaar bini'aadanimo sida ay sheegayso warbixinta Qaramada Midoobey.

Laba boqol iyo konton kun oo qof ayaa ku dhintay abaar ka dhacday Somalia sanadkii 2011-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM