Nolol xumo ka jirta goobaha laga saarey Al-shabaab

Image

1 September, 2015(GO)-Cunta yari iyo dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegayaa goobihii laga saarey ururka  Al-shabaab ee Koonfurta Somalia.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu tilmaantay heerka nafaqo darida iyo cunto yarida Somalia ina korortey ku dhawaad labaatan boqolkiiba lixdii bilood ee ugu danbeeysay.

Xaalada ayaa ka sii dartay ka dib markii muddooyinkii dambe jireen dagaalo culus oo u dhaxeeya dowladda iyo Al-shabaab, waxaan dadka deeganada colaaduhu ka dhaceen oo la hadlay warbahinta sheegeen inay haysato xaalad aad u adag.

Ururka Al-shabaab ayaa gubay beero halka ay xabaaleen ceelal  ay ka cabi jireen shacabku, waxana falkani yimi ka dib markii laga saarey deeganadii horey uga arimin jireen.

Dhawaan madaxweynaha Somalia oo booqday degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa beesha caalamka ugu baaqey inay gar-gaar la soo gaaraan shacabka ku nool goobaha laga saarey Al-shabaab oo ay la soo daristay nolol xumo.

Arinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Koofurta Somalia qeybtiis ay ku yaraayeen roobabkii Guga' oo qeyb ka noqotey macaluusha baahsan ee soo foodsaartey qoysas badan oo Somali ah, ilaa  soddon boqolkiiba dadka ayaa u baahan gargaar bini'aadanimo sida ay sheegayso warbixinta Qaramada Midoobey.

Laba boqol iyo konton kun oo qof ayaa ku dhintay abaar ka dhacday Somalia sanadkii 2011-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM