Nuxurka khudbadii James Swan ee golaha ammaanka UN-ka

Image

NEW YORK, USA – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta Khamiista maanta ah wuxuu khudbad ka hor-jeediyey golaha ammaanka Qaramada Midoobay isaga oo ka hadlay arrimo kala duwan.

Qodobada uu soo hadal-qaadey waxaa kamid ah doorashooyinka. Horumar ayuu xusay in laga sameeyay fulinta heshiiska balse wuxuu tibaaxay in ay wali jiraan daldaloo loo baahan yahay in la oodo.

"Horumar dheeraad ah ayaa looga baahan yahay meelaha mudnaanta leh qaarkood. Tusaale ahaan ma jiro diyaargarow xooggan oo faahfaahsan oo ku aaddan amniga doorashada, iyo caddaynta qorshayaasha lagu xaqiijinayo qoondada haweenka. Waxaan si gaar ah uga walwalsanahay in illaa hadda la qaadin tallaabooyin adag oo laga yaabo in lagu gaari karo qoondada haweenka. Waxa kale oo loo baahan yahay in si weyn loogu daro geedi -socodka doorashada dhallinyarada iyo beelaha la hayb-sooco taariikh ahaan," ayuu tibaaxay.

Diblumaasiga Ameerikaanka ayaa soo jeediyey in si wax ku ool ah wax looga arrimaha xalka lama huraanka ah u baahan oo ay kamid tahay qadiyadda kuraasta Somaliland.

Al-Shabaab ayuu xusay in ay kordhisay weerarada ay fulineyso iyadda oo dalka u diyaar-garoobayo doorasho ayna wehliso beegsiga shacabka gaar ahaan Koonfur Galbeed.

"UNSOM ayaa illaa hadda 2021 diiwaan gelisay warbixinno ku saabsan 708 qof oo rayid Soomaali ah (321 la dilay, 387 la dhaawacay), oo inta badan loo aaneeyo Al-Shabab. Waxa kale oo jira koror aad u xun oo ku saabsan xadgudubka galmada iyo xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ee la diiwaangelinayo kuwaasina weli waa aagga mudnaanta u leh Qaramada Midoobay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee saxiixay heshiiska doorashadda 27-dii May, 2021 ayuu cod dheer ugu tartarsiiyay in ay ka dhabeeyaan in geedi-socodka uu guuleysto, isaga oo carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in dalka laga saaro mar-xalada kala guurka lana dhiso dowlad cusub.

"Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada Soomaaliya ee geeddi -socodkan doorashada iyo wixii ka dambeeyaba, si dalku u cusbooneysiiyo dedaaladiisa ku aaddan nabadda asaasiga ah, amniga, iyo yoolalka horumarineed," ayuu kusoo gabgaabeeyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM