Odayaal u afduubnaa Al-Shabaab oo qaarkood kasoo baxsadeen

Image

DHUUSAMAREEB - Todobo kamid ah 71 Oday dhaqameed oo Al-Shabaab ka afduubtay degaanka Gal-qoryaale ee gobolka Galgaduud, bartamaha dalka Soomaaliya ayaa si dirqi ah uga soo baxsaday Kooxdan khatarta badan.

Illaa hadda lama oga qaabka ay Odayaasha uga soo baxsadeen gacanta Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha gobolka ka gaabsadey inay bixiyaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan soo baxsashada.

Odayaasha ayaa laga qafaashay degaanadooda todobaadkii tagey, kadib markii ay bixin waayeen lacag Diyo ah, iyo inay ka dhago adeegeen amar dil toogasho loogu fulin lahaa Wiil dhalinyaro ah, oo horey uga geystay fal dil ah gudaha Gal-qoryaale.

Lama ogga goobta rasmiga ah oo ay Al-Shabaab ku xirtey Odayaasha, inkastoo Lixda Oday dhaqameed ee dib u helay xorriyadooda ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaabka markii hore loo qafaashay iyo sida ay kusoo baxsadeen.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe uu helayo ayaa sheegay ain Odayaasha haatan ku jira gacanta Al-Shabaab qaarkood ay yihiin kuwa xaaladooda caafimaad ay liidato, islamarkaana ay xanuunsanayaan, iyagoo aan helin wax adeeg caafimaad ah.

Odayaasha soo bacsaday ayaa la sheegay in lagu raad-joogo, oo Al shabaab ka raadinayso degaanadii horey uga soo afduubatay iyo kuwa kale oo kuu dhaw, waxaana qoysaskooda soo wajahay cabsi ku aadan nolosha odayaasha.

Al-Shabaab ayaa inta badan xarig u geysata dadka kasoo hor-jeesta amaradeeda ee ku nool degaanada ay maamusho, waxaana sanadihii dambe isa soo tarayey falalka noocaan ah ee laga soo warinayo qeybo kamid ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM