Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland oo wajahaya "hanjabaad"

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Iyadda oo ay maalmo ka harsan tahay doorashadda Jubbaland, wasiir ka tirsan maamulkaasi wuxuu daaha ka rogay xog xasaasi ah oo ku saabsan coddeynta aadka isha loogu hayo.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka Jubbaland ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in xubin ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedkaasi uu odayaasha soo xulaya Xildhibaanada la shiray Jimcadii.

Aadam Ibraahim Aw Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu banaanka soo dhigay dulucda shirka iyo natiijada layaabka leh ee ay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka.

"Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Odayaasha Dhaqanka isugu yeeray xafiiskiisa shalay, kuna wareejiyay liis, uguna hanjabay cawaaqib xun hadii aysan magacyaddaasi dowladda ugu soo xulin Xildhibaano," ayuu ku yiri.

Aw Xirsi oo kamid ah wasiiradda ugu saameynta badan maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa wuxuusan soo bandhigay magaca wasiirka uu eedeymahan aadka u culus uu dusha kaga tuuray.

Balse isaga oo u muuqda mid aad carabka ugu adkeynaya qoraalkiisa kana dhigaya in la dhayal-sado warkiisa ayaa wuxuu intaas ku daray: "Goodintiisa waa mid aad loogu kalsoonan karo".

Dhawaqa Aw Xirsi ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo isbuucii hore magaaladda Kismaayo lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee ugu caansan Jubbaland kuna howlanaa soo xulida mudaneyaasha cusub.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi oo madaxweyne Axmed Madoobe, oo murashax ah, uu faray in lasoo qabto cidii ku lugta lahayd.

Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 24-ka bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo illaa iyo haatan ay is-diiwaan geliyeen murashaxiin uu ku jiro Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM