Odowaa: Farmaajo waxaa ka go’an laba midood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu weerar xooggan oo dhanka afka ah uu ku qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Odowaa oo qoraal kusoo daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu wali xafiiska ku sugan yahay isaga oo waqtiga ka dhamaadey 8-dii Febraayos anadkii 2021-kii.

Sidda laga soo xigtay Odowaa oo kamid ah xubnaha ugu sareeya xisbiga Nabada iyo Horumarka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, madaxwaynihii 8aad, Farmaajo wuxuu rabaa in uu qabto "doorasho beenaad".

"Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababay in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto," ayuu Odowaa daabacay, isaga oo soo raaciyey sawirka askari kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlada Puntland.

Sawirkaas ayaa la qaadey maanta oo garoonka Aadan Cadde ay kasoo dageen cutubyo kamid ah ilaaladda gaarka ah ee Saciid Deni.

"Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomaalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay," ayuu Odowaa ku daray.

Sharci-dejiyaha oo qoraalkiisa ay dad badan ka falceliyeen ayaa rumeysan in Farmaajo "ay ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo".

"Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Farmaajo oo doonaya in mar labaad uu hogaamiyo Soomaaliya afarta sano ee soo socota ayaa lumiyey kalsoonida qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyadda iyo musharaxiinta kuwaas oo ku eedeeyay in uu doonayo in uu Soomaaliya dib ugu celiyo xukun kelitalis ah, wallow Villa Soomaaliya ay beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM