​Odowaa oo Cadaado lagu doortay iyo xulufada Xasan Sheekh oo Aqalka hoose kusoo badanaysa

Image

CADAADO, Somalia- Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda waqtigeedu dhammatay ee Somalia, ayaa maanta lagu doortay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Odowaa ayaa safar ku yimid Cadaado, deetana loo furay hoolka doorashada, waxaana la tartamay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed isagoo kaga guulaystay codad gaaraya 46 qof, halka kan kale helay 5 cod.

Doorashadiisa kadib, wuxuu ku laabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia oo awal socdaalka kaga yimid, wuxuuna sidaas ku hantiyay kursiga beeshiisa ee reer Xaaji Saleebaan.

Wasiirkan ayaa kamid ah ragga kaga agdhow Xasan Sheekh Maxamud, waxaana doorashadiisa gacan kulaha madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday oo aad u adeegsanaya lacag tiro badan taasoo qaybtood rabshad ka dhalisay  qabaa'ilka maadama la doonayo in Ergo gooni ah hoolka doorashada lagu xareero iyadoo lagac bidixaynayo dadka qabaa'ilku soo xusheen.

Dhinaca kale,Doorashadii Shalay ka dhacday Magaalada Jowhar, waxaa lagu doortay Tiradii ugu badnayd oo katirsan Koox Siyaasadeedka Xasan Sheekh, kuwaasi oo uu ku jiro Ninka sida aadka ah ugu dhaw ee lagu magacaabo Faarah Sheekh Cabdulqaadir oo soo noqday wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Somalia.

Waxaa sidoo kale dadkii soo baxay kamid ahaa;

Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Agaasiimahii hore ee NISA iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia

Cabdirisaaq Cumar Maxa'ed, Wasiirka Amniga Somalia

Khadiijo Maxa'ed Diiriye, Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

Cali Maxa'ed Cumar (Cali Balcad), Agaasiimaha Madaxtooyada Soomaaliya

Dhanka magaalada Cadaado, Doorashooyinkii dhacay waxaa kusoo baxay;

Mustaf Dhuxulow, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somalia

Mahad Maxa'ed Salaad, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia

Cabdiraxmaan Maxa'ed Xuseen Odawaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Cabdiqaadir Gaafow Maxa'uud, oo ah Nin la dhashay Taliyaha NISA

Jawaahir Axmed Cilmi (Aqalka sare)

Saadaq Cabdkariin, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada

Arrintan ayaa banaanka soo dhigtay walaaca laga qabay in faro galin lagu sameeyo doorashada waddanka ka dhacaysa dabayaaqada sannadkan, maadama xafiiska uu wali joogo madaxweyne Waqtigu ka dhammaaday kaasoo si caadi ah u maamulanaya hay'adaha dowladda farogalin toos ahna ku samaynaya arrimaha socda.

Tallaabooyinka majirto ilaa hadda cid ka hadashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM