Odowaa oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo iyo Qoorqoor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa weerar afka ah ku qaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayuu ku eedeeyay in uu burburinaya dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Qoor-qoor ayuu tibaaxay in uu dayacay degaanka uu madaxweynaha ka yahay isla markaana Al-Shabaab ay bilowday olole balaaran oo ay isugu balaarineyso.

"Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka," ayuu Facebook ku qoray.

Wuxuu ku daray: Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay, kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda".

"Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo xiray: "Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug".

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xilli Qoorqoor iyo dhigiisa HirShabelle ee Guudlaawe ay shalay diideen ka qeybgalka shirweynaha beelweynta Hawiye kaasoo ay kasoo baxeen go’aano lagu diidey ku darsiga taliska Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM