Odowaa oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo iyo Qoorqoor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa weerar afka ah ku qaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayuu ku eedeeyay in uu burburinaya dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Qoor-qoor ayuu tibaaxay in uu dayacay degaanka uu madaxweynaha ka yahay isla markaana Al-Shabaab ay bilowday olole balaaran oo ay isugu balaarineyso.

"Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka," ayuu Facebook ku qoray.

Wuxuu ku daray: Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay, kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda".

"Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo xiray: "Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug".

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya xilli Qoorqoor iyo dhigiisa HirShabelle ee Guudlaawe ay shalay diideen ka qeybgalka shirweynaha beelweynta Hawiye kaasoo ay kasoo baxeen go’aano lagu diidey ku darsiga taliska Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM