Olale lagu badbaadinayo Soomaali qarka u saaran in la tarxiilo oo socda

Image

OTTOWA, Canada – Shaqsi kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramayaa in uu qarka u saaran yahay in laga soo musaafuriyo waddanka Canada.

Cabdullaahi Cilmi, oo haatan 34-sano jir ah, ayaa isaga oo caruur ah waxa uu ku galay dalkaasi qaab qaxooti ahaan.

Mas'uuliyiinta ayaa sababta loo tarxiilayo ruuxan, oo dhalasho haysan, ku sheegay in uu ku kacay dambiyo waaweyn kuwaasi oo u badan weeraro.

Go’aanka dhanka dowladda kasoo baxay ee lagu soo musaafurinayo Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in la fuliyo todobaadkan.

Hasa ahaatee, ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha soo galootiga ayaa wada olale saf-balaaran kaasi oo fursadii ugu dambeysay haysta oo ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan ninkan.

Xubnahan ayaa ku doodaya in Cabdullaahi oo degan magaaladda Edmonton la geeyay xarun lagu xanaaneeyo caruurta isaga oo yar, halkaasina uu ku waayey dukumiinyadii muhiimka ah.

Waraaqadahaasi ayaa hadii uu gacanta ku dhigi lahaa waxa uu heli lahaa deganaanshiyo sax ah, sidda Soomaali badan oo waqti xaadirkan dalkaasi degan.

Taageereyaasha oo ku sugan gobolka Nova Scotia ayaa sheegaya in dowladda federaalka Canada looga baahan yahay in ay dib u eegto kiiskan oo lamid ah midka wiil Soomaali ah oo badbaaday.

Cabdulle Cabdi ayaa bishii hore waxaa loo ogolaaday in uu baaqi kusii ahaado Canada markii Maxkamad heer federaal ah ay laashay in la musaafuriyo.

Canada ayaa kamid ah wadamada caalamka ee ay aadka u degan yihiin Soomaalida dalkooda ka uga tegtay colaadaha haatan laga soo kabanayo, wallow qaarkood lasoo tarxiilo marka ay ku kacaan dambiyo culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM