Cadaadiska Farmaajo dib loogu celinayo shirka oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kusii kordhaya cadaadiska ku saabsan in uu ku laabto wadahadaladda Afasiyooni si waddanka uga gudbo mar-xalada cakiran iyo hubanti la’aanta qabsoomida doorashooyin daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Soomaaliya ayaa in ka badan sagaal bilood waxay wajaheysaa jahwareer doorasho, qalalaase dastuuri ah iyo kalsooni darro ka dhalatay talaabooyin milatari oo uu qaadey maamulka xilliga ka idlaaday ee Farmaajo.

Kulamo qabsoomay ayaa kusoo gabagaboobay natiijo la’aan. Is-aragii u dambeeyay wuxuu qabsoomay todobaadkii lasoo dhaafay. Hasa ahaatee, ma miradhalin. Iyaddoo la isku mari-waayey ajandaha shirweynaha, qodobada la isku hayo waa ka doodida amniga coddeynta iyo damaanad fulinta heshiiska.

Natiijo la’aanta shirkaas oo maamulka Farmaajo ku sifeeyay "in uu fashilmay kulanka" ayaa dhabaha u xaarey in uu ku xoogeysto cadaadisk gudaha iyo Beesha Caalmaka oo ku aadan in ay ku laabtaan wadaxaajoodyadda.

Cabdullaahi Xeri Cali [Timacadde], wasiirka warfaafinta dowladda Puntland oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa xusay in ay dhankooda diyaar yihiin rajeeyayna in Farmaajo kusoo laabto shirka.

"Puntland weli waxay joogtaa miiskii wada-xaajoodka ee lagu balamay. Waxaa naga go'an raadinta xal doorasho loo dhan yahay lagu geli karo, si dalka xasilooni darro siyaasadeed looga badbaadiyo. @M_Farmaajo waxaan ka rajaynaynaa inuu miiska wada-xaajoodka ku soo laabto," ayuu yiri.

Qoraalka Timacade ayaa yimid saacado kadib markii Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ay soo saareen baaq wadajir ah kuna socda madaxda Soomaalida kaasoo ay ugu sheegayaan in ay wadahadalada ku laabtaan si deg-deg ah xal isla gartaan.

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa taageero u muujiyey qoraalka Beesha Caalamka, waxaana uu ku qeexay "fariin si toos ah ugu socota Farmaajo".

"Qoraalka wadajirka ah ee ay xarumahooda ka soo sareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waa fariin ku socoto kuwa xukunka isku dhejinaya. Farmaajo iyo kooxdiisa keliya waxay isku sii fogeynayaan heerka faragelin ee arrimaha doorashada dalkeena. Haddii shalay ay ku ekeyd safiirada Muqdisho jooga, maanta heer caasimadihii looga soo qayliyo oo lagu yiraahdo shirka ku laabo ayey maraysaa," ayuu ka dhawaajiyey Warsame.

Siyaasiga ayaa ku daray: "Waxaa muuqata in qoraalkiisii ashtakada ahaa waxba laga soo qaadin, balse waxaa looga digayaa in muddo kororsi, doorasho hal dhinac ah iyo mid is barbar socota ay halis ku tahay xasiloonida Soomaaliya, taasoo khatar ku ah nabada iyo xasiloonida aduunka. Haddii fariin qoraal banaan la soo dhigay sidan tahay, maxaad ka filaysaa tan sida hoose loogu sheegayo".

"Farmaajo waa nin is haligaya, Soomaaliyana faragelin ku sii fogaynaya ee talow qolooyinka ag tuban ma la haligmi doonaan mise way ka hari doonaan. Taariikh ayaa qormaysa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasame.

Doorashooyinka Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021-ka ayaa tan madaxweynaha loo balansanaa 8-da Febraayo, halka baarlamaanka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhacay 27-kii December, 2020. Tani waxay dad badan ku sifeeyeen in dalku ku jiro firaaq dastuuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM

Abiy Axmed oo ku wajahan Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Xasan Sheekh

Ajendaha booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxaa ku jira wadahadallo ku saabsan doorka Itoobiya ee hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 08:41AM