​Olole ka dhan ah Duumada oo Bosaso ka bilowday [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Wasaaradda caafimaadka Puntland gaar ahaan waaxda qaabilsan Duumada ayaa maanta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ka bilowday olole ka dhan cudurka ay keento Kaneecada.

Barnaamijkan oo socon doona muddo 20 bari ah ayaa isugu jira labo qaybtood oo kala ah; Baaris daweyn la socoto iyo Wacyi galin, kuwaasoo laga fulinayo degmada Bosaso iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Waxaa kala qayb qaadanaya Ardayda jaamacadaha ku yaalla magaalada Bosaso.

Agaasimaha waaxda Malaariyada ee wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdikariim Xuseen Xasan, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay ololaha inuu ka bilowday xarunta gobolka Bari, wuxuuna sheegay in loogu talo galay sidii looga hortagi lahaa waxyeello ka timaada cudurka Mallaariyada ee ay sababto noolaha loo yaqaano Kaneecada teeda Dhedig.

Mudane Cabdikariim, ayaa intaas ku daray inay tageen goobaha dadku ku badanyihiin ee inta badan cudurkaas ku faafi karo, isagoo tilmaamay inay wacyigalin kawadaan magaalada iyagoo Adeegsanaya Radiyaha wareega ee Dalmar iyo warbaahinta kale ee isugu jirta Idaacadaha iyo TV-yada fadhigoodu yahay Bosaso.

Wuxuu intaas ku daray in goobaha caafimaadka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay diiwaan galinayaan kiisaska cudurkan, si loo ogaado inta qof ee ay soo ridatay.

Maaha markii ugu horaysay ee wasaaradda caafimaadka Puntland, barnaamijkan oo kale ka fuliso Bosaso, waxaana sannadkii hore sidaan oo kale olole ballaaran oo ka dhan ah Duumada looga hirgaliyay magaaladaas xilli ay jireen dad u dhintay cudurka Mallaariyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM