Olole ka dhan ah Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warsidaha Garowe Online warar uu ka helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay soo saarayaan war-murtiyeed ku saabsan Mawqifkooda dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo kusoo idlaadey iyaddoo aan laga heshiin mar-xalada kala guurka.

Sidda ku qoran Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Dalka gaar ahaan qodobkiisa 91-aad, mudada xil-heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa 4 sano oo ka bilaammaysa marka la dhaariyo.

Sidoo kale, arrimaha cakiran ee ismarin waaga Doorshada iyo mudo xileedka dowladda Farmaajo ee dhammaaday waxay soo ifbixinaysaa in Saaxiibada Soomaaliya – USA, UNSOM, EU, UK IYO IGAD – ay qaadanayaan doorkooda ku aadan isu-keenida madaxda Soomaalida.

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayey u muuqataa in ay raadinayaan in ay marakan door muuqda ku yeeshaan xal u helida iyo isku fahamka Doorashada ayna qayb kasoo fariistaa miiska wada hadalka.

Musharaxiinta ayaa ka maqnaa doorarkii ugu dambeeyey ee xal u helidda arrimaha la’isku hayo Doorashada ee kala ahaa Dhuusamareeb 1,2,3, hishiiskii 17 September iyo kii ugu dambeeyey ee natiijo la’aanta ahaa ee Dhuusamreeb.

Sidda ay warar lagu kalsoon yahay caddeynayaan, musharaxiinta ayaa kulan la leh Afhayeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaas oo ay kawada arrin-sanayaan xaaladda cakiran iyo qaabka ugu fudud ee loo dhameyn karo.

Qoraalka Musharaxiinta ayaa ah mid laga filan karo in ay ku muujiyaan in madaxweyne Farmaajo uu ka idlaadey wakhtigii dastuuriga ahaa ee xilhayniisa, isla’markaana ay ugu baaqaan Guddoonka Golaha Shacabka ku wareejiyo hogaaminta Dalka si ay hogaamiyaan geedi-u-socod doorasho Xor iyo Xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM