Oomaar oo diidey xilka uu u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdullaahi Salaad [Ooomaar] ayaa wuxuu iska diidey jagada wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda oo uu u magacaabay ra'iisul wasaaraha xil-gaarsiinta.

Oomaar ayaa qoraal dheer oo uu ku faafiyey ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook wuxuu go'aanka uu ka qaatay magacaabida ku sameeyay "arrimo shaqsiyadeed iyo mid qoys".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Oomaar ayaa ku nuux-nuux-saday in aysan talaabadiisa la xiriirin mid siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in uu wali daacad u yahay maamulka Farmaajo.

"Ramadan Mubarak: Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda," ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn".

"Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed," ayuu xusay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay".

Siyaasiga ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N). Wabillahi tawfiiq".

Shalay ayuu Rooble uu Wasaaradda Duulista kasoo wareejiyay Oomaar kuna bedelay Duraan Axmed Faarax oo wasaarada shaqada laga keenay. Isbedelkan wuxuu la xiriiraa is-qabqabsi Jaadka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM