Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Image

RAWALPINDI, Pakistan, Agoosto 6, 2026 – Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir, ayaa Khamiistii xarunta taliska guud ee ciidamada Pakistan (GHQ) ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo hoggaaminayay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira danaha labada dal, xaaladda amniga gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Pakistan (ISPR).

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyo in la ballaariyo tababarrada iyo dhisidda awoodda ciidamada si looga hortago caqabadaha amni ee labada dal ay wajahayaan.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka Ciidamada Pakistan ee ka qeyb qaadashada nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Taliyaha Ciidanka Pakistan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya si loo xoojiyo hay’adaha amniga loona gaaro nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika.

Kulana ayaa imaanaya xili Soomaaliya ay ku biirtay isbahaysiga badda Cas ee ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Pakistan, kaasoo looga hortagayo Israel iyo dalalka saaxiibka la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM