PL oo beenisey in mashruuca dekedda Bosaso loo wareejiyey Garacad

Image

May 11, 2015 (GO)- Iyadoo muddooyinkii u dambeeyey laysla dhex marayey warar sheegaya in mashruucii ballaarinta dekedda magaalada Bosaso loo wareejiyey deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, ayaa waxaa arrintaas markii ugu horreysey ka hadley Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Wasiir Saalax ayaa warkaas ku tilmaamey mid aanay waxba ka jirin oo ay faafiyeen dad uu ku tilmaamey war-xuma-tashiil, wuxuuna intaas ku daray in mashruuca ballaarinta dekedda Bosaso iyo midka lagu la doonayo in dekedda looga sameeyo Garacad ay yihiin labo mashruuc oo aan shuqul isku lahayn.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa dhanka kale ka warbixiyey booqasho muddo dhowr maalin ah qaadatey oo uu ku tegey deegaanka Garacad.

Wuxuuna sheegay inuu halkaas geeyey  saraakiil ka socotay shirkada DP (Dubai Port) oo saldhiggeedu yahay Imaaraadka Carabta, taasoo qiimayn ku samaynaysay suurtagalinimada in Garacad laga dhiso deked weyn, oo badeecadaha laga soo dejiyo, loona iibgayn karo dalka Ethiopia iyo wadamada kale ee dariska.

Hadalka Wasiirka Dekedaha ayaa imaanaya xilli todobaadyadii u dambeeyey saraakiil ka socdo shirkado shisheeye ay dhowr mar booqasho ku tageen tuulada Garacad, arrintaasoo sheki badan dhalisey, dadka qaarna u fasirteen in mashruucii lagu ballaarin lahaa dekedda Bosaso loo wareejiyey Garacad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM