Puntland iyo Jubaland oo qashinka ku daray eedeynta dowlada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn "shir fashilmay" iyagoo xusay in Farmaajo kulankii maanta "kusoo xiray in wadatashiyo lasoo sameeyo".

Mas'uuliyiin ka tirsan labada maamul oo shir jaraa'id ku qabtay caasimada Muqdisho ayaa intaas ku daray in ay rumeysan yihiin in kulanka wali furan yahay isla markaana diyaar u yihiin ka qeybgalkiisa.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen in shaacinta dowladda federaalka ee in uu burburay kulanka ay qeyb ka tahay isku-dayada ay ku doonayaan in ay ku helaan muddo kororsi aan lagu heshiin.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi oo kamid ah mas'uuliyiintaas, ayaa ku daray: "Dubbe waxaan leeyahay Godka lagu cadaabyoow muxuu go'luhu been sheegay?".

Cismaan Abuukar Dubbe waa wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya kaasoo iclaamiyey in uu burburay kulanka kuna eedeeyay Puntland iyo Jubaland in kulanka natiijo la'aan ku idlaado.

Dhanka kale, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa sheegay in fariinta Dubbe horey loosii duubay.

"Ilo lagu kalsoon yahay oo taleefishanka qaranka ka tirsan ayaa ii xaqiijiyey in fariintan muuqaalka ah ee uu Dubbe jeedinayo xilli hore la duubay. Taasi waxay marag fur u tahay in Farmaajo ku tala galay fashilka shirka," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Burburka wadaxaajoodyadda ayaa dhabaha u xaari karta; in ay sii xoogeysato xiisadda siyaasadeed ee waddanka haatan ku  jiro iyo in ay xoogeysato oo diyaarinta shirarka la wareegto Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM