Puntland iyo Jubaland oo si wadajir ah u eedeeyay Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland iyo Jubaland oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu "xagal-daacinayo" shirka xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka.

Dowladahan xubinta ka ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod dheer waxay kaga digeen "in waqtiga kulanka oo sii daba-dheeraada ay keeni karto in masiirka iyo mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco".

Madaxwayneyaasha labada maamul, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ku dhowaad saddex asbuuc u jooga magaala madaxda Muqdisho dhameystirka heshiiska 19-kii September, meelmarinta soojeedinta guddiga farsamo ee ku shiray Baydhabo iyo in laga wada xaajoodo awoodaha hay'addaha heer federaal ee muddo xileedkooda dastuuriga uu dhamaadey.

War-saxaafadeedka Puntland iyo Jubaland oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa "nasiib darro" ku tilmaamay in mudadaas ay Deni iyo Axmed Madoobe ku sugan yihiin Muqdisho aysan la kulmin madaxda dowladda federaalka ah.

Sidda ku cad bayaanka, shirarkii Muqdisho ku dhexmaray maamuladda ayaan wali lagu gaarin is-faham buuxa oo looga gudbo xaaladda cakiran. Balse, Beesha Caalamka waxay haatan ku howlan tahay shir ay isugu yimaadan dhinacyadoo idil.

"Hadaba, waxaan ka digeynaa in waqtiga kulamada oo sii dheerada uu keeni karo in mustaqbalka iyo masiirka Ummadda Soomaaliyeed uu mugdi ku dhaco," ayaa la raaciyey qoraalka oo lagu caddeeyay in labada maamul diyaar u yihiin shir kasta.

Dhawaqa Puntland iyo Jubaland ayaa kusoo hagaagay xilli natiijo la'aan ay kusoo dhamaadeen dedaalo ay waddeen madaxwayneyaasha maamulada taabacsan Villa Soomaaliya kuwaasoo dhankooda si gaar ah maanta ugu shiray caasimadda dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM