Puntland: Lacag loo uruurinayo dad ay saameysay abaar

Image
Image
Image
Image
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa qaban-qaabiyey kulankan.

GAALKACYO, Puntland - Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa qaban-qaabiyey Kulan balaran oo looga hadlayey sidii gurmad wayn loogu samayn lahaa dadka iyo xoolaha abaartu ku saamaysay Deegaanada.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Xasan Cabdulaahi Warsame, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Maxamed Xasan Waloore, Gudooyaha Degmada Gaalkacyo Maxamud Taluwayaaaa, Gangain Bohaliyaha Ida Cabolinaury, Washala Ibadu, I. diin, Nabadoono iyo Shacab wayne kale.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay Baaxada Abaar ee ka jirta Deegaanada Gobolka, Sidii loogu qareemi lahaa iyo habkii loogaar siin lahaa Dadka iyo xoolaha abaartu saamaysay.

Cabdiladiif oo ka hadlay madasha ayaa ku dhawaaqay shaqaalaha gobolka iyo ciidamada Gobolka Mudug in ay 10% mushaaraadkooda uga qayb qaateen abaarta.

Sidoo kale, ganacsato, dhalinyaro, nabadoono iyo haween ayaa ku yaboohay lacagtii ugu horaysay ee looga qayb qadanayo abaarta lacag isku darkeedu dhantahay $5,000.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu baaqay Qurba joogta, ganacsatada iyo dhamaan Bulshada qaybaheeda in ay ka qayb qaatan isagoona Magacaabay Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM