Puntland oo caalamka ka dalbatey in laga caawiyo dib-u-dejinta qaxootiga

Image

May 14, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa beesha caalamka ka dalbatey in laga taageero dib u dejinta qaxootiga tirada badan ee ka imaanaya dalka Yemen, kadib markii ay shalay magaalada Bosaso soo gaartey doon siddey in ka badan 1,700 oo qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay xaaladda nololeed ee qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen. 

Wasiirka ayaa xusey in Puntland awood u lahayn inay dadka intaas le'eg dib u dejin u sameynso, wuxuuna ugu baaqey hay'adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya inay Puntland arintan ka caawiyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Yaman ee Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay arrimo khuseeya qaxootiga ka imaanaya Yemen.

Dowladda Federaalka oo marar badan ballan qaadey inay wax u qabaneyso qaxootiga ka imaanaya Yeman ayaan ila iyo hadda wax tallaabo ah qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM