Puntland oo caalamka ka dalbatey in laga caawiyo dib-u-dejinta qaxootiga

Image

May 14, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa beesha caalamka ka dalbatey in laga taageero dib u dejinta qaxootiga tirada badan ee ka imaanaya dalka Yemen, kadib markii ay shalay magaalada Bosaso soo gaartey doon siddey in ka badan 1,700 oo qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta xafiiskiisa Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, ayaa sheegay in Puntland ka walaacsan tahay xaaladda nololeed ee qaxootiga kasoo qulqulaya dalka Yemen. 

Wasiirka ayaa xusey in Puntland awood u lahayn inay dadka intaas le'eg dib u dejin u sameynso, wuxuuna ugu baaqey hay'adaha samafalka iyo wadamada deeqda bixiya inay Puntland arintan ka caawiyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Yaman ee Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay arrimo khuseeya qaxootiga ka imaanaya Yemen.

Dowladda Federaalka oo marar badan ballan qaadey inay wax u qabaneyso qaxootiga ka imaanaya Yeman ayaan ila iyo hadda wax tallaabo ah qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM