Puntland oo difaacdey joojinta banaanbaxii Dhahar

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo difaacay talaabadda ciidamada amniga Dhahar ay ku kala eryeen banaanbaxyaasha, ayaa sheegay in mudaaharaadkaas ay maalgelisay Villa Soomaaliya "oo dooneysay in ay dhacdadii 19-kii Febraayo, 2021 ee Muqdisho ay u soo rarto Dhahar".

Mr Gallan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tibaaxay in ciidanka ay go'aansadeen hakinta mudaaharaadka ka gedaal markii ay "dhex-galeen niman qoryo wata oo bilaabay in ay rasaas tuuraan oo ay beegsadaan goobaha ganacsiga".

"Natiijadda horudhaca ah ee baaritaano aan wadno waxay muujinayaan in dadka banaanbaxa abaabulay lacago EVC looga soo diray Xamar," ayuu hadalkiisa ku daray.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Gallan oo meesha ka saarey in banaanbaxu ahaa mid nabdoon ayaa ku eedeeyay maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo "in uu bilaabay olole siyaasadeed iyaddoo waddanka uu wajahaayo xaalad cakiran oo dhanka doorashooyinka ah".

"Waa dastuuri in muwaadin kasta xaq u leeyahay in uu cabiro fekerkiisa. Balse, meelna ugama jirto dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya rabshado iyo burburinta hantida muwaadin Soomaaliyeed," ayuu tibaaxay, isagoo ganafka ku dhuftey in dowladda Puntland ay caburin waddo.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka amniga Puntland ee magaaladda Dhahar ay kala eryeen banaanbax lagu taageerayey dowladda Farmaajo. Wasiirka qorsheynta federaalka, Jamaal Xasan, wuxuu dowladda Puntland ku dhaleeceyay talaabadaas.

Balse, afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo u jawaabay Jamaal iyo dowladda federaalka ayaa ku eedeeyay labaduba si gaar ah madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo in ay degaanada Puntland ka sameynayaan falal khalkhal gelin ah iyo xasilooni darro.

Tan iyo markii xafiiska loo doortey, madaxwaynaha waqtiga ka idlaadey Farmaajo iyo maamulkiisa waxay kicin dadwayne ku beegsanayaan maamuladda ka aragtida duwan si ay ugu gaaraan dano siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan horaanta sanadka 2020 iyo dhamaadka 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM