Puntland oo u jawaabtay wasiir ka tirsan xukuumada Rooble

Image

GAROWE, Puntland – Madaxtooyada dowladda Puntland ayaa si deg-deg ah waxay ugu jawaabtay dhawaq Arbacada maanta ah kasoo yeeray wasiirka qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta ah, Mr Jamaal Maxamed Xasan.

Jaamac Dabraani, oo ah afhayeenka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadalka Jamaal ku sifeeyay "isku day uu doonayo in uu sawir xun kaga bixiyo maamul qaangaar oo 23-jir ah".

"Wasiir @AmbGamal qoraalkaaga kama duwana kuwii hore ee aad aaladan ugu adeegsan jirtay hurinta rabshado iyo colaada ka dhaca Puntland," ayuu Dabraani ku qoray ciwaankiisa Twitter-ka.

Dabraani ayaa intaas wuxuu ku daray: "Puntland waa maamul jira 23-sano jir, horey u qabtay doorashooyin heer gobol & heer federaal ah, qaar ka mid ah waxaa lagu kala adkaadey hal cod".

"23 sano kadib bisayl muuqda, waa nasiib daro in aad isku dayeyso in aad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda! Taariikhda ayaa go’aamin doonta!," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Jaamac.

Jamaal ayaa ciwaankiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka wuxuu maanta ku qoray in Deni uu yahay musharax madaxwayne "oo is-qarxinaya" isla markaana uu "faragelin ku haya xulista Xildhibaanada".

Hase ahaatee, Jamaal oo kamid ah saaxiibada ugu dhow ee madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo xoojinaya sheegashadiisa.

Maamulka Farmaajo si gaar ah wasiir Jamaal oo musharax Xildhibaan ah ayaa horey ugu lug-yeeshay dhacdooyin lagu khal-khalgelinayo deganaanshiyo qaybo kamid ah Puntland balse ay ka hortagaan hay'adaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM