Xarago oo xabsiga Bossaso laga sii daayey kadib markii Al Shabaab lagu sheegey [Dhageyso]

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xabsiga ka sii daayey inta uusan  ka dhoofin magalaada Bossaso, Nabdoon Xargo ayaa muddo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaladaas.

Nabadoon Cabdulqaadir Ibrahim Xarago oo muddo Labo 7aad ku xirnaa xabsiga dhexe ee magalaada Bossaso ayaa waxaa lagu eedeeyey Inuu xabsiga ku booqdey koox dhalinyaro ah oo ku eedeysneyd in ururka Al shabaab ka tirsanaayeen.

Dhalinayaradaan ayaa la sheegey iney qayb ka ahaayeen kooxaha dilalka ka fuliya kuwasoo lagu xakumey xabsiyo kala duwan.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa wareysi uu horey u siiyey laanta Af Somaliga VOA ku sheegey Inuu rumeysan yahay in Xarago ka tirsan yahay ururka Al shabaab isagoo booqashada xabsiga uu ku tagey macnaheedu ahaa Inuu fariin u dirayey ururkaas iyadoo la Maxkamadeyn doono. HALKAAN KA DHAGEYSO

Xarago oo sheegta inuu yahay afhayeenka Nabdoonada gobolka Barri ayaa ah shaqsi aad ugu dhex jira siyaasada gobolka isagoo kamid ahaa kooxdii Isbadal doonka aheyd doorashadii Puntland ka dhacdey sanadkii 2014.

Gobolka Barri magaaladiisa Bossaso ayaa waxaa awood ku yeeshey kooxaha argagixisada kadib markii hay'adaha amniga Puntland mushahar la'aan darteed howlahooda qabsan waayeen taasoo sababtey in cabsi la soo gudboonaato shacabka dagan gobolkaas.

Ma aha markii ugu horeysay oo madaxweyne Gaas xabsi ka sii daayo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey iney gacansaar la leeyihiin ururadaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM