Qaab dhismeedka hogaanka Ciidanka Soomaaliya oo la badalay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa meesha ka saarey gabi ahaanba xilka abaanduulaha, sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeen dad si dhow ula socda arrintaasi.

Tani ayaa ka dhigan in Odowaa Yuusuf Raage, Janaraal dhalinyaro ah, oo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii hore uu jagadaasi waynayo.

Taasi bedalkeeda taliska ayaa sameeyay jagooyin cusub taasi kala ah, taliye ku xigeenka milatariga, taliyaha Ciidanka lugta iyo abaanduulaha qaybtaasi.

Cabdi Xasan Maxamed, sareeye Gaas, ayaa laga dhigay taliye ku xigeenka ciidanka xoogga. Cabdi ayaa kamida waayo-araga xoogaga dowladda ku jira.

Cabdi ayaa horey u soo noqday u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Sacuudiga, dowladii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf.

Janaraa Odowaa ayaa laga dhigay taliyaha Ciidanka Lugta, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaarada gaashaandhiga xukuumada federaalka ah.

Xogaha laga helayo isbedalka ayaa intaasi ku daraya in Janaraal Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada difaaca iyo saraakiil ciidan ayaa u dusiyay GO in ujeedka laga leeyahay isbedalkaan ay tahay si loo dar-dargeliyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaabka dhismeedka cusub ee ciidanka Soomaaliya loo sameeyay ayaa imaanaya xili uu madaxwayne Farmaajo ku eedeeyay dhowaan saraakiisha in ay uga baxeen balankii ahaa in Shabaab dalka uga xoreynayaan muddo labo sano ah.

Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa nan horey u lahayn taliye ku xigeen, balse waxaa booskaasi ku jiray Abaanduulaha oo ay muuqato in meeshii laga saarey.

Khuburada dhinaca ciidamada ayaa is-waydiinaya hadii xilalka lasoo kordhiyay iyo isbedalkaan uu dhalin karo xasilooni amni iyo in laga adkaado maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM