Qaab uu "ku fashilmi karo" shirka Afasiyooni oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Haddii doorka dhexdhexaadnimo ka weecdaan dhinacyada u kala dabqaadaya madaxda Soomaalida ee Muqdisho uga shiraya ajandaha kulan-weynaha arrimaha doorashooyinka wuu burburi doonaa kulankaas, sida uu aaminsan yahay Ra'iisul Wasaarihii 13aad ee Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa fariintaas ku gudbiyey qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dhawaqa Sharmaake ayaa kusoo hagaagay xilli labadii maamlmood ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ku shireen hogaamiyeyaasha Soomaalida kuwaasoo xal u goobaya is-mari-waaga doorashadda.

Shirkaas waxaa soo agaasintey Beesha Caalamka. Balse, Villa Soomaaliya waxay u muuqataa mid hoos u dhigeysa dedaalada diblumaasiyiinta shisheeye ee isku-soo-jiidka madaxda Soomaalida.

Sharmaake oo laba jeer wasiirka koowaad kasoo noqdey dalka iyo musbarax madaxwayne ayaa cod dheer oo dadban uga digay in kaalinta Beesha Caalamka ay isku rogto u sacabo tunka dhinac gaar ah.

"Doorasho lagu kalsoonaan karo waxaa lagu gaari karaa haddii arrimaha waaweyn ee ay wadaagaan dhammaan daneeyayaasha laga wada hadlo oo si fahfaahsan looga heshiiyo shirka weyn. Geedi-socodka gorgortanka ajandaha waxay u badan tahay inuu fashilmo haddii dhexdhexaadintu u weecato dhinac ama dhinaca kale arrimo farsamo ama xaddidan," ayuu ka dhawaajiyey.

Madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey, hogaanka maamulada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay mar kale shir isugu soo laabtaan maalinta Talaadada si ay wadaxaajoodyada u sii socdaan maadaama natiijo la'aan kusoo idlaadeen shirarkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM