Qaabka Farmaajo u jahwareerinayo wadahadalada doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jahwareerinaya wadahadallada xerada Afisiyooni ee ku taal caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siiyey idaacadda VOA.

Deni wuxuu sheegay in kooxda Farmaajo aysan ku qanacsaneyn qaar ka mid ah soo jeedimaha ku saabsan dejinta ajandaha. Wuxuu ku andacooday in Villa Somalia ay diidan tahay ka hadalka sharci ahaanshaha maamulka hada jira.

Sharci ahaan, dowladda Soomaaliya waqtigeedu wuxuu ku ekaa Feb 8, taasoo keentay su'aalo ku saabsan sharci ahaanshaha. Sidoo kale, Deni wuxuu ku dooday in dowladdu aysan diyaar u ahayn in laga wada hadlo arrimaha amniga oo qayb ka ah ajandaha ama xitaa joogitaanka goobjoogayaasha caalamiga ah ee wadahadallada soo socda.

"Madaxweynaha wuu diiday inuu ka hadlo waxa loo igmaday wixii ka dambeeyay 8-dii Febraayo, amniga dalka, iyo sida loo maamulo doorashada,” ayuu u sheegay VOA, isagoo intaas ku daray in isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee maamuladda qaar ay wali diyaar u yihiin inay mar kale la kulmaan Farmaajo si meesha looga saaro ismariwaaga aan Soomaaliya u horseedeyn doorasho nabad ah.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkii Arbacadii uu ku soo dhamaaday isfaham ay dhinacyadu sameyn doonaan la tashiyo dheeri ah ka hor inta aysan ku laaban miiska wada. hadalka Wuxuu qirey in ajandaha aan lagu heshiin, wuxuu ku eedeeyey Farmaajo inuusan aqbalin soo jeedintooda.

"Haddii madaxweynuhu uusan rabin inuu ka hadlo wixii dhacay wixii ka dambeeyay 8-dii Febraayo, oo uusan su'aalo ka keenin mas'uuliyadda amniga oo uu doonayo inuu ku maamulo doorashada sida uu doono, hadda maxaan kale oo aan ka hadli karnaa," ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, Deni wuxuu ku andacooday in bayaanka Dowlada Federaalka iyo muuqaalka wasiir Dubbe ay ahaayeen kuwo horey loo qoray oo horay loo duubay, "taasi waxay daliil cad u tahay in Farmaajo uusan rabin in dalka doorasho ka dhacdo".

Dadka xog ogaalka ah ayaa sheegaya in Farmaajo kaliya uu doonayo hirgalinta heshiiskii ka horeeyay doorashadii Sebtember 17 iyo talooyinka Beydhabo inay noqdaan qodobbo tixraac u ah kulanka, isagoo iska sii jeedinaya talooyinka Puntland, Jubaland, iyo musharixiinta madaxweynaha.

Deni iyo dhiggiisa Jubaland ee Axmed Madoobe ayaa sidoo kale miiska soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in madaxweynayaashii hore, bulshada rayidka ah, hoggaanka baarlamaanka oo lagu casuumay furitaanka shir madaxeedka soo socda ee doorashada, si ay u soo gudbiyaan talooyinkooda.

Saaxiibada caalamiga ah waxaa la weydiistay inay damaanad qaade ka noqdaan heshiiska laakiin waxay sheegeen inay markhaati kaliya ka noqon doonaan heshiiska. Tan waxaa diiday Farmaajo inuu ku daro ajandaha.

Durba, musharixiinta madaxweynaha waxay taageereen mowqifka ay qaateen Jubaland iyo Puntland ee ku aadan ismariwaaga, iyaga oo waliba ku eedeynaya dowlada federaalka eedeymaha loo soo jeedinayo ee hagal-daacinaya geedi-socodka.

"Waa wax laga xumaado in shirkii wadatashiga qaran ee Afisyooni uu burburo. Shirka waxaa sugayay Soomaalida iyo Beesha Caalamka, tani waxay cawaaqib xumo ku yeelan doontaa dalka iyo doorashooyinka. Farmaajo ayaa mas'uul ka ah in fashilka uusan waligiis dhamaan iyo doorasho xor iyo xalaal ah," ayay ku sheegeen qoraal wadajir ah oo ay soo saareen musharaxiinta.

Hogaanka Puntland iyo Jubaland oo muddo bil ah ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka fogaado in dalku ku burburo gacmihiisa, waxay intaas ku dareen inay diyaar u yihiin wax kasta oo xal u ah ismariwaaga doorashooyinka oo ay horay u socdaan.

Farmaajo oo 4-tii sano ee loo idmaday hogaaminta waddanka ay ku ekeyd 8-dii Febraayo ayaa lagu eedeeyay in uu ka caga jiidayay inuu sameeyo tanaasul isagoo eegaya danta Soomaaliya isla markaana waxaa la sheegay in kaliya uu doonayo inuu dalka ku xukumo hanaan ka baxsan dastuurka qabyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM

Abiy Axmed oo ku wajahan Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Xasan Sheekh

Ajendaha booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxaa ku jira wadahadallo ku saabsan doorka Itoobiya ee hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 08:41AM