Qaadka Kenya oo laga joojiyay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsatada Qaadka magaaladda Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen Qaadkii ay ka keensan jireen dalka Kenya wixii maanta oo Talaado ah ka dambeeya.

Gudoomiyaha Gudi ay leeyihiin Ganacstada oo lagu magacaabo Qoobe Maxamuud Qayliye ayaa shaaciyay go'aanka joojinta Qaadkii uga imaan jiray Kenya, isagoo intaasi ku daray in hadda kadib ay soo dhoofsan doonan Qaadka Itoobiya.

"laga billaabo maanta, waxaan si rasmi ah u joojinay Qaadkii aan ka keeni jirnay Kenya, si aan u garab istaagno dowladeena una difacno qaranimada dalka iyo xuduudihiisa. Waxaan u weecinaynaa ganacsigeena Qaadka dalka Itoobiya," ayuu yiri Qoobe.

Kenya ayaa maalin walba usoo dhoofisa Soomaaliya 50 Tan oo Qaad ah, iyadoo ka hesha lacag gaaraysa hal milyan oo doolar, iyadoo dalka u yahay suuqa ugu weyn ee loo soo iib geeyo Miraa.

Go'aankan ayaa yimid maalmo kadib markii dowladda Kenya u yeeratay safiirkeedii Muqdisho u fadhiyay, islamarkaana Safiirka Soomaaliya kasoo saartey Nairobi, iyadoo ku doodeysa in dowladda Federaalka ku xad-gudubtay Kheyraadka Kenya.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaarey meeshii ugu hooseysay, waxaana uu qarka u saaran yahay in joogsado, oo labad dal cilaaqaadka isu jaraan, hadii aan la helin gacan saddexaad oo dhex-dhexaadisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM