Qabsoomida doorashada maamulka KG oo shaki ku jiro iyo Guddiga is-casiley [ Dhageyso]

Image

BAYDHABO - Mad-madow ayaa soo galay in doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ay ku qabsoonto waqtigeeda kadib markii badi xubnaha Guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen inay ka tageen shaqadda.

Mas'uuliyiinta ayaa ku sheegay sababta faragelin baahsan oo ay dowlada Federaalka ku hayso doorashadaan loo qorsheeyay inay qabsoonto 17-ka bishaan oo ay ka harsan tahay mudo ku siman 12 cisho.

Guddigu wuxuu daboolka ka qaaday in madaxda Villa Soomaaliya ay sharci-dejiyaasha Koonfur Galbeed ee dooran lahaa Madaxwaynaha ay isugu geysay Muqdisho, taasi oo ay ku adkeysteen inay baal-marsan tahay sharuucda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qol kusoo oodatay Xilldhibaanada Koonfur Galbeed iyadda oo isugu geysay Muqdisho, sidaas darteeda ayaan isu-casilay,” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga mudane Aamiin Maxamed Faarax.

Beesha Caalamka ayey mudanayaasha ugu baaqeen inay soo farogeliso arrimahaan, oo ay carabka ku dhufteen inay dhabaha u xaari karto dib u dhac ku yimaada doorashada bishaan loo balan-san yahay.

“Murashaxiinta waxay ubaahan yihiin inay la hadlaan Xilldhibaanada, laakiin dowlada Soomaaliya ayaa diyaarad ku geysatay Muqdisho, taasi noo suuragelinayin inaan shaqadeena sii wadano,” ayuu yiri xubin kale.

Is-casilaada xubnaha Guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadeysa mar sii horeysay uu is-casilay Gudoomiyaha Guddiga Carfo Ibraahim Aadan, oo uu  wehliyo ku xigeenkiisa oo eedo kuwaan lamid ah u jeediyay dowladda.

Waxaa dhinca kale la filaya inuu is-casilo Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taas oo keeni karta jahawareer siyaasadeed ee ku yimaada nidaamka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO GUDDIGA IS-CASILEY

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM