Qadar Airways oo shaacisay waqtiga ay bilaabeyso duulimaadka Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda diyaaradaha Qadar Airways ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay sida rasmiga ah u bilaabeyso duuliimaad toos ah oo ay ku imaan doonto magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka sare ee shirkaan diyaaradeed taasoo laga leeyahay wadanka Qadar ayaa lagu sheegay in 1-da bisha Julaayo ee sanadkaan uu bilaaban doono howlgalkooda magaala madaxda dalka.
Qadar Airways ayaa kamid noqoneysa tirro diyaarado caalami ah oo madaarka Aadan Cadde uu soo jiitay tan iyo markii dib u habeyn lagu sameeyay hanaankiisa maamul iyo mid nabad-gelyo.
Diyaaradaha heerka caalami ee haatan duulimaadka tooska ah ku yimaada Muqdisho ayaa kala ah; Turkish Airways, Ethiopian Airlines, Kenya Airways, iyada oo ay kusoo kordhi doonto Qadar Airways lana filayo kuwa kale.
Dhamaan shirkadahaan ayaa ku yimid heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dowladood, iyada oo aanu jirin wax muuqda oo ay Soomaaliya ku bedalatay, taasoo lagu dhaliilay madaxda qaranka.
Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in tani ay fursad dhaqaale u tahay wadanka, inkasta oo dadka naqdinaya ay tibaaxayaan in garoonka uusan u diyaar-saneen qaabilaada duulimaadyo caalami ah marka loo eego badkiisa.
Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar, oo arrintaan wax laga waydiiyay ayaa sheegay in ay wadaan isku dayo ay ku bilaarinayaan garoonka, wallow ay caqabado jiraan.
Caqabadaha aan wali xalin ee taagan ayaa waxaa kamid ah in qaybta la rabo in la balaariyo ay degan yihiin safaarado ajnabi ah taasoo dowladdu ay sheegtay in ay ka shaqeynayso sidii ay uga rari lahayd.
"Garoonka wuu u diyaarsan tahay qaabilaada diyaarado caalami ah…dabcan waa run in balaca uu yar yahay…laakiin waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan u balaarin lahayn," ayuu wasiir Oomaar yiri, mar sii horeysay.
Safaaradaha ayaa garoonka u degay sababo amni darteeda, maadaama gudaha magaaladda aysan u soo degi karin nabad-gelyada oo liitada owgeed.
Shirkada Favori ee laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa haatan maamusha howlaha garoonka Muqdisho, taasoo la wariyay in dhowaan loo kordhiyay qandaraaska inkasta oo aaney dowladdu fahfaahin ka bixin.
Warbixin horey loosii daayey ayaa sheegaysa in ay jiraan qodobo la isku mari la'yahay oo uu qayb ka yahay balaarinta madaarka, kaasi oo shirkadu ku doodeyso in aanu ku jirin heshiiskii horey loola galay.
"Way ka biyo diidan yihiin…balse waxaan isku deyi doonaa in aan ku cadaadino," ayuu wasiir Oomaar daba dhigay hadalkiisa, inkasta oo aanan haatan la ogayn hadii shirkaddu ogolaatay arrinkaasi.
GAROWE ONLINE