Qadar oo baaritaan ka dalbatay Soomaaliya iyo Eritrea

Image

DOOXA, Qatar – Dowladda Qadar ayaa ku baaqdey in si deg-deg ah loo baaro kiiska ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu khiyaameeyay in ay la dagaalamaan Eritrea, sidda uu daabacay mareegga Doha News.

Boggan oo soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qadar ayaa shaaca ka dhigay in Dooxa ay ku talisay in baaritaanka ay sameeyaan dhamaan dalalka ay khuseyso sheegashooyinkaas.

"Dowladda Qatar waxay cambaareyneysaa shaqaalaysiin kasta oo xad-gudub ah taas oo si been ah loogu sheegay in ay Qadar ka helayaan fursado shaqo. Dowladda Qatar waxay ka soo horjeedaa dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorineysaa dhammaan dowladaha inay baaraan xadgudubyada noocan oo kale ah taas oo ah tahriibinta dadka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ku daray: "Nasiib daro, kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo degganaansho ah. Si looga hortago arrintan, Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu bixiyo dal-ku-galka, waana talaabo looga gaashaamanayo in ay aqbalaan dalabyadda been abuurka ah".

Hasa ahaatee, Dooxa ayaanan qiran ama beenin in ay ku lug-leedahay kiiskan maadaama waalidiin badan ay sheegeen in wiilashooda lagu duufsaday in ay Qadar ka caawinayaan u diyaar-garowga koobka aduunka 2022.

Soomaaliya iyo Qadar ayaa heshiis shaqaaleysiin waxay kala saxiixdeen 1983-dii, balse dowladda Farmaajo waxay cusbooneysiisay sanadkii 2019-kii.

Heshiiskaas wuxuu xeerinayaan in wasaaradaha shaqada iyo shaqaalaha labada dal ay aas-aasaan xafiiska xiriirka shaqaalaha isla markaana Dooxa ay mas'uul ka noqoneyso Xafiiska Shaqaaleysiinta ee Caalamiga ah.

Heshiiska waxaa qalinka loogu duugay si kor loogu qaado iskaashiga labada dal iyo in fursado shaqo la siiyo Soomaalida ku dhaqan dalka Qadar.

Dhammaan dalabyada shaqo iyo fiisooyinka dhabta ah waxaa lagu sameeyaa xafiisyo diiwaangashan waxayna la yimaadaan dukumiintiyo sharciyeysan, taasoo ka soo horjeedda dalabyada afka ah ee la siiyay ragga maqan.

Xilli ay carabka ku adkeysay qodobkan, dowladda Qadar ayaa ku boorisay dhamaan shaqsiyaadka shaqooyinka ka goobaya waddankaas Carbeed in ay iska hubiyaan xafiisyadda kahor inta aysan ogolaanshiyo siinin.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo xaqiijisay in ay ciidamo tababar ugu dirtay waddanka Eritrea ayaa beenisay in askar Soomaali ah ay ku dhinteen dagaaladii Tigray, balse albaabada uma furin baaritaano dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM