Qadar oo soo faragelisay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Image
Dooxa ayaa u martiqaadey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta si ay u soo afjartey is-maan-dhaafka labada mas'uul. [Photo: GO]

DOOXA, Qadar - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booqasho rasmi ah waxay uga bilaabatay caasimadda Qadar ee Dooxa.

Rooble ayaa Isniintii shalay ahayd wuxuu u duulay magaalada Dooxa kadib martiqaad rasmi ah uu ka helay Sheekh Tamiim Bin Hamad, amiirka guud ee dalkan Carbeed.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, arrimaha uu daaran yahay safarkan waxaa qayb ka ah xalinta is-maan-dhaafka Rooble iyo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku haya qaabka loo maareynayo mar-xalada kala guurka dalku ku jiro iyo cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax oo lagu tuhunsan yahay hogaanka NISA.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gabaad-siinayo eedeysaneyaasha kiiskan oo ay ku jiraan Fahad Yaasiin Daahir, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Kulane [Jiis-mareexaan].

Isku-dayo dhowr ah oo gudaha ay ka sameeyaan xubno kala duwan si la isugu soo dhaweeyo Farmaajo iyo Rooble ayaa dhicisoobay xilli Villa Soomaaliya lala xiriiriyey burburka gorgortanka.

Farmaajo wuxuu wadaxaajoodka wasiirka koowaad ee xilgaarsiinta ah Rooble uu ka damacsanaa xagal-daacinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u ahayn in si daahfuran kusoo dhamaado kiiskan.

Sida laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta, Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu damacsanaa in uu kalsoonida ka dilo dadka uu magacaabay Rooble "loona tusiyo in uu ka tegi karo".

"Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo," ayuu ku daray.

Qadar ayaa si weyn u quudareyneysa in uu soo laabto Farmaajo oo xulafo dhow la ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay balse waxay wajahaysaa su'aallo ka dhashay taageeradeeda taliskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM