Qalalaasaha siyaasadeed ee dalka oo galay "mar-xalad halis ah"

Image

WASHINGTON, USA - Qalalaasaha daba-dheeraadey ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu galay mar-xalad halis ah, sidda ay warbixin ay soo saartey ku sheegtay Hay'adda Crisis Group oo xustey in is-mari-waaga uu isku bedeli karo gacan ka hadal.

Xiisada ayaa cirka isku toshay markii Golaha Shacabka go'aan hal dhinac ah muddo kororsi laba sano ah ugu sameeyay maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo. Mucaaradka iyo Beesha Caalamka waxay si isku mid ah u diideen ku darsigaas.

Crisis Group oo tibaaxdey in mucaaradka uu dhankiisa qorsheynayo geedi-socod barbar socda kan dowladda federaalka ah ayaa waxay taageero buuxda waxay u muujisay in xalka kaliya uu ku jiro in la isku yimaado wadaxaajoodyo.

"Saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waa in ay u istaagaan abaabulidda - iyo hoggaaminta - wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad loo maro doorashooyinka waqtigooda ku dhaca," ayay qormadu ku dartey.

Hay'ada ayaa ku dartay: "Dhammaan jilayaasha dibadda waa inay si aan shaki ku jirin u muujiyaan inay diyaar u yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku afgarto oo horay loo socdo".

Diblumaasiyiinta ayaa horey uga dhawaajiyey in ay qaadayaan talaabooyin ay kamid yihiin; dib-u-eegida xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka, xayiraad kusoo rogida madaxda caqabada ku ah dedaalada xaldoonka ah iyo joojinta taageerada dhaqaale.

"Xaqiiq ahaan, si kastaba ha noqotee, doorasho kasta waxay u baahan tahay in si ballaaran loogu saleeyo xeyndaabka heshiiskii Sebtember 17, iyadoo la ogyahay in doorashada aan tooska ahayn ay tahay habka keliya ee suurtogalka ah ee lagu codeyn karo jawiga amniga ee maanta maadaama Al-Shabaab ka taliso dhul ballaaran oo koonfurta dalka ah," ayay ku dartay warbixinta hay'ada.

Maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhamaadey 8-dii Febraayo isla markaana doonayo in dib loo doorto ayaa ganafka ku dhuftay hanjabaadaha caalamka kuna adkeystay ku darsiga oo uu ku sifeeyay mid awooda dib loogu celinayo dadweynaha.

Balse, Crisis Group oo si weyn ugu talisay in xoojinta doorka Beesha Caalamka ee dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida uu xal ku imaan karo ayaa ku boorisay in Mareykanka uu Turkiga iyo Qadar u kaashado dabcinta mowqifka Farmaajo.

Ankara iyo Dooxa oo wali aan caddeyn mowqifkooda dheereysiga muranka dhaliyey ayaa si weyn ugu dhow Farmaajo. Taageero dhanka ciidamadda iyo dhaqaalaha ayay siiyaan tan iyo markii uu qabtay xafiiska ugu sareeya waddanka afar sano kahor. 

"Si loo wanaajiyo fursadaha uu Farmaajo ku beddeli karo mowqifkiisa, Mareykanka wuxuu si toos ah ula shaqeyn karaa taageerayaashiisa muhiimka ah ee Farmaajo - Qatar iyo Turkiga - kuna boorinayaa inay ka dhaadhiciyaan madaxweynaha si uu u muujiyo dabacsanaan ballaaran, marka loo eego halista ay dhibaatadu [muddo kororsiga ku leedahay xasiloonida Soomaaliya," ayay tibaaxdey.

Soomaaliya oo ah dal colaad kasoo kabanaya ayna dabacsan yihiin hay'addihiisa dowliga ah ciidamaduna wali ku saleysan yihiin hanaanka qabiilka ayaa isgoyska ay hadda taagan tahay laga digayaa in hadii si maanshiil ah loo xalin ay dhabaha u xaari karto colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Asad Diyaano oo qaabilay saraakiil kasoo laabatay waxbarasho dibada ah

Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn Taliyaha Warbixin ka siiyey soo laabashada Saraakiishan.

  • Soomaliya

    25-12-2024

  • 11:52AM

Baarlamaanka Jubaland oo ansixiyey madaxwayne ku xigeeno la magacaabay

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay sameeyay magacaabidan.

  • Soomaliya

    25-12-2024

  • 11:14AM