Qalalaase ka dhex jira NISA iyo saameynta amniga [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mid ah waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey inay ka mira-dhaliso.

Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto amniga.

Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey.

Fashilka amniga ayaa banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin oo ka jira Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase la gudboon madaxda dowlada si loo wanaajiyo wadashaqeynta hay'adaha amaanka dalka?

Su'aallahaasi waxaa qalinka u qaadatey Falastiin Axmed Iiman, oo katirsan VOA-da.

HALKAAN KA DHAGEYSO 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM