Qalyo dhaan ka timid waalidiinta ajaaniib "lagu haysto" Soomaaliya

Image

BANGKOK, Thailand – Mawjado "adoonsi badeed ah" ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay laga soo warinayaa biyaha Soomaaliya, inkasta oo jiritaankooda aad loogu kala duwan yahay.

Waalidiinta shaqaale u dhashay dalka Thailand oo ka howlgala labada doon kalluumeysi oo ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in caruurtooda "la doon-sanayo".

Sidda uu daabacay wargeyska afka dheer ee Bangkok Post oo wareystay waalidiinta, shaqaalaha oo tiradooda ay gaareyso 50, ayaa wajahaya mushahar la’aan si lamid ah cuno iyo biyo yari.

Dowladooda ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay ka howlgasho sidii caruurtooda loosoo badbaadin lahaa isla markaana dib ugu heli lahaayeen xorriyadooda.

Jaraa'idkan ayaa Axadda ah maanta ah baahiyay in howladeenadan ay u shaqeeyan Dooman la yiraahdo Wadani 1 iyo Wadani 2, ayna ku sugan yihiin xeebaha Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Safaaradda Thailand ee Kenya, taasi oo sidoo kale arrimaha Soomaaliya dusha sarre kala socota, ayaa xaqiijisay jiritaanka warkan balse waxay xustay in qayb kamid gunnooyinkooda la siiyay Jimcadii.

Mas'uuliyiinta labadaasi doon illaa iyo haatan kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyay. Si lamid ah, taliska ciidamada badda Puntland kama hadlin warkan.

Wasaaradda Warfaafinta Thailand ayaa shaacisay xubnahan ay ku shaqeynayaa qandaraas laba sano ah oo la saxiixay 27-kii October ayna la galeen labada doon oo ay maalgeliso shirkad reer Iiraan ah.

"Ma aysan helin wax gunno ah muddo afar bilood ah. 17 oo iyaga kamid ah waxay cabashooda ku muujiyeen baraha bulshadda," ayay raacisay wasaaradda, sidda uu baahiyay joornaalkan aadka loo akhristo.

Safaaradda ayaa intaasi raacisay in kalluumeysatada ay ku adkeysteen in ay doonayaan in dib loogu celiyo waddankooda kadib markii ay heleen mushaarkooda, todobaadkii hore.

Sheekada ku aadan "in la adoon-sanayo" ayaa soo ifbaxday ka gedaal markii shaqsi aan la shaacin magaciisa uu waalidiinta u geeyay muuqaalo uu ka duubay saaxiibadii uu "nolol aad u xun ku nool".

Dhowaan ayay ahayd markii 13 shaqsi oo u dhashay dalka Kenya oo la sheegay in lagu haysto biyaha Soomaaliya dib loogu celiyay kadib xusul-duub badan oo ay gashay dowladooda iyo safaarada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM