Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay shirka Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay ayaa si weyn waxay u taageertay wadaxaajoodyada la filayo in ay magaalada caasimada ah Muqdisho ku yeeshaan madaxda Soomaalida si ay u soo afjaraan khilaafka doorashada.
War qoraal ah oo Khamiista maanta ah kasoo baxay xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa kalsooni weyn waxaa looga muujiyey in wadahadaladan ay kasoo baxaan natiijo horseeda in dalka galo doorasho loo-dhan-yahay.
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo daadihinaya shirkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo, iyaddoo kii u dambeeyay uu shalay Muqdisho kula yeeshay wakiiladda Beesha Caalamka.
"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa sharaf u ahayd in ay la kulantay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay," ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida ku xusan war-saxaafadeedka nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, madaxda Soomaalida waa in ay si furan oo "daacadnimo leh" uga wadaxaajoodaan masiirka doorashooyinka ee shakiga badan uu hareeyay.
"Waxaan ku dhiirrigelinnay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada," ayaa la raaciyey qoraalka.
Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa si xoogan waxay hoosta ka xariiqdey in ay kulanka uu noqon karo fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaalida uga heshiiyaan doorashooyin daahfuran oo la isla ogolyahay.
"Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan ka dadka Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxa ay heystaan taageerada Qarammada Midoobay ee ku aaddan guuleysiga Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso," ayaa lagu soo xiray.
Wadahadalada ayaa qorshuhu ahaa in ay bilowdaan Khamiista maanta ah. Hase ahaatee, dib-u-dhaca waxaa lagu sifeeyay "mid farsamo" iyaddoo loo badinayo in uu kulanka si rasmi ah u bilowdo ugu badnaa saacadaha soo aadan.
GAROWE ONLINE