Qaramada Midoobay oo eedeymo culus u jeedisay dowladda Soomaaliya

Image
Image

GENEVA, Switzerland – Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay u hogaan-sami waayeen xeerarka xuquuqul insaanka caalamiga ah xilli ay doorashada soo dhow-dahay.

Walwalka ayaa lagu lifaaqay warbixin lala wadaagay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay taasoo uu soo gudbiyey khabiirka madaxa banaan.

Isha Dyfan oo jagadan loo magacaabay Maaj kadib aafada Coronavirus ayaa warisay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysteen in ay ilaaliyaan xuquuqaha dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ahaan ee dadweynaha.

Musiibada Covid-19 iyo Ayaxa ayay tibaaxdey in ay waddanka uga sii dareen dhibaatooyinka bini'aadanimo iyo colaadaha hubeysan ee horey uga jiray.

Eedeymaheeda ayay carabka ku dhufatay in ay ku saleysan yihiin warbixino kala duwan kuwaasoo ay ka heshay illo wareedyo aysan magacyadooda faafin.

"Waxaa jiray warbixino ku saabsan weeraro liddi ku ah xarun daryeel caafimaad iyo shaqaale samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadaan hay'adaha sharci fulinta taasoo keentay dhimashada dadka rayid ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyada hadalka iyo aragtida, iyo kororka rabshadaha galmada iyo jinsiga . iyo in si qasab ah dadka looga qixiyey guryo intii uu socday aafada Coronavirus," ayay ku sheegtay warbixinteeda.

Dyfan ayaa si gaar ah waxay farta ugu fiiqdey in ay sii korortay tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagula kacayo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Abyan Maxamed Saalax, safiirka Soomaaliya u qaabilsan Switzerland iyo Austria oo u muuqata mid difaaceysa dowladeeda, ayaa xustay in waddanka uusan ammaan iyo amni heli karin iyaddoo aan la ilaalin xuquuqda aadanaha.

"Soomaaliya waxay aqbashay xuquuqda aadanaha ee ku saleysan in la aas-aaso oo la awood siiyo hay'addaha dowliga ah si loosoo afjaro rabshadaha loona xaqiijiyo xuquuqaha iyo xorriyadda dadka," ayay u sheetay golaha.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee madaxweyne Farmaajo ayaa wajaheysa eedeymo ay kamid yihiin in beegsiga dadka ka aragtida duwan, ciidamada oo dano siyaasadeed lagu fusho iyo xarig ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM