​Qaramada Midoobay oo ka dayrisay abaarta kajirta Somalia

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa ka dayrisay xaaladda abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia, kadib kulan ay maanta wada qaateen xubno katirsan Barlamanka labada Aqal iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan caasumadda Somalia.

Shirkaas, ayaa looga hadlay xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku nool Somalia, kuwaasoo dhibaato adag lasoo daristay kadib markii la wayay roobabki Gu'ga iyo dayrta ee sannadkii hore.

Abaarta ayaa dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada, sida uu sheegay Peter de Clercq, oo ah isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadannimada ee Soomaaliya.

Peter, ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay Muqdishu, wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyarad maadama uusan dhaweyn waqti roobaadka kalka soo socda.

"Inta badan caalamadihii ka horeeyay abaartii 2011 ayaa hadda muuqda. Waxbadan waxa ku xiran yihiin roobka gu'ga ee la filayo bisha April ee soo socota. Balse saadaasha roobkaasi ma aha mid wanaagsan," ayuu yiri Peter de Clercq.

Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in dowladdu dadaal u gali doonto sidii loo samata-bixin lahaa umadda Somaliyeed isagoo ka waramay dadaallada ay wadaan.

Jawaari, ayaa intaas ku daray in xaaladda abaareed ee dalka tahay mid aad u daran islaamrkaana u baahan gargaar caalami ah.

Shirkan mas'uuliyiinta ayaa kusoo aaday xilli abaarta ka jirta Geeska Africa si xooggan u saamaysay dalka Somalia gobollada oo dhan, waxaana hadda cabsi laga qabaan nolosha dadka iyadoo badi xoolihii dhammaadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM