​Qaramada Midoobay oo ka dayrisay abaarta kajirta Somalia

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa ka dayrisay xaaladda abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia, kadib kulan ay maanta wada qaateen xubno katirsan Barlamanka labada Aqal iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan caasumadda Somalia.

Shirkaas, ayaa looga hadlay xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku nool Somalia, kuwaasoo dhibaato adag lasoo daristay kadib markii la wayay roobabki Gu'ga iyo dayrta ee sannadkii hore.

Abaarta ayaa dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada, sida uu sheegay Peter de Clercq, oo ah isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadannimada ee Soomaaliya.

Peter, ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay Muqdishu, wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyarad maadama uusan dhaweyn waqti roobaadka kalka soo socda.

"Inta badan caalamadihii ka horeeyay abaartii 2011 ayaa hadda muuqda. Waxbadan waxa ku xiran yihiin roobka gu'ga ee la filayo bisha April ee soo socota. Balse saadaasha roobkaasi ma aha mid wanaagsan," ayuu yiri Peter de Clercq.

Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in dowladdu dadaal u gali doonto sidii loo samata-bixin lahaa umadda Somaliyeed isagoo ka waramay dadaallada ay wadaan.

Jawaari, ayaa intaas ku daray in xaaladda abaareed ee dalka tahay mid aad u daran islaamrkaana u baahan gargaar caalami ah.

Shirkan mas'uuliyiinta ayaa kusoo aaday xilli abaarta ka jirta Geeska Africa si xooggan u saamaysay dalka Somalia gobollada oo dhan, waxaana hadda cabsi laga qabaan nolosha dadka iyadoo badi xoolihii dhammaadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM