QM oo ku dhawaaqday mowqifkeeda doorashada Jubbaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo markii ugu horoeysay waxay caddeysay aragtideeda ku wajahan doorashadda Jubaland.

Cod-bixinta oo kala ah tan baarlamaanka iyo madaxtooyadda ayaa waxaa loo balansan yahay in siday u kala horeeyan u qabsooman Julaayo iyo Agoosto.

Bintou Keita, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, oo todobaadkan booqasho ku timid waddanka Soomaaliya ayaa waxay tegtay Kismaayo.

Xubno uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Cabduqaadir Maxamed Yuusuf ayay kulan albaabada u xiran la yeelatay.

Kulanka kadib, Keita ayaa waxay shaacisay in ujeedka socdaalkeeda uu ahaa ukuur-geliyada xaqiiqada ka jirtay xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

War qoraal ah oo uu UN-ka soo saarey kadib safarkeeda ayaa lagu sheegay in ay rajeynayaa in doorashada Jubbaland u qabsoonto si cadaalad oo xor ah.

Booqashadda Keita ay ku timid Soomaaliya ayaa ahayd tii ugu horeysay oo ay waddanka ku timaado tan iyo markii jagadaasi loo magacaabay sanadkan.

"Waxaan u yimid dalka Soomaaliya iyo qaaradda Afrika si aan u ogaado qaabka aan u wada shaqeyn karno." ayey tiri, sida ku cad bayaanka oo uu arkay GO.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa imaanaya iyada oo hogaanka Jubbaland uu ka digay farogelin ay coddeynta ku sameyso dowladda federaalka.

Madaxtooyadda ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay doorashada uu ugu soo bixi lahaa murashax daacad u ah ayna daaqada ka saarto Axmed Madoobe.

Midowga Afrika, Ingiriiska, Mareykanka iyo wadamo kale ayaa horey uga dhawaajiyey in ay doonayaan in doorashadda Jubbaland ay u qabsoonto si daah-furan oo nabad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM