Qaramada Midoobey oo war kasoo saartey Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii argagaxiso ee shalay ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay Cabdiweli Cali Cilmi Yare iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore saaka lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Warbaahintu waxay sheegtay in wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Gaari miineysan ayaa la sheegay in lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho goor hore galabtan, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.

“Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom.

“Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM