Qarax culus oo ka dhacay afaafka Villa Somalia iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xoog leh ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya kaasoo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge ayaa u sheegay in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay bar-koonatrool oo laga ilaaliyo Aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia, kuna yaalla afaafka hore ee Tiyaatartka Qaranka.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimadda, iyadoo gaadiidka gurmadka deg dega ay gaareen halka uu weerarka ka dhacay, iyaadoo wadada mashquulka badan ay ciidamada xireen.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, balse waxay saraakiisha amniga ay sheegeen inay jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada la xaqiijin.

Qaraxa ayaa bur-bur baaxad leh gaarsiiyay Tiyaatarka, oo hadda ku socotay dib u dhis ay dowladda ku sameynaysay.

Fahfaahin, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM