Qarax culus oo ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, bartamaha dalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay meel ku dhaw saldhigga Booliska magaalada, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhaawacmeen.

"Qaraxa wuxuu ka dhashay walxo qarxa oo jawaan lagu soo qiriyay oo la dhigay agagaarka saldhigga Booliska Beledweyne, waxaana jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada," ayuu yiri Axmed Ibraahim, oo Goobjooge ah.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta, iyadoo ay sameeyeen howlgal baaritaan ah, iyadoo mudo ku dhaw hal saac hakad la geliyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto illaa cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa magaalada Beledweyne, balse saraakiisha booliska ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka dambeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM