Qarax culus oo ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, bartamaha dalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu aasay meel ku dhaw saldhigga Booliska magaalada, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhaawacmeen.

"Qaraxa wuxuu ka dhashay walxo qarxa oo jawaan lagu soo qiriyay oo la dhigay agagaarka saldhigga Booliska Beledweyne, waxaana jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada," ayuu yiri Axmed Ibraahim, oo Goobjooge ah.

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta, iyadoo ay sameeyeen howlgal baaritaan ah, iyadoo mudo ku dhaw hal saac hakad la geliyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ma jirto illaa cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa magaalada Beledweyne, balse saraakiisha booliska ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka dambeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM